Waa maxay noloshu? Aas-aaska Biology-ga

Waa maxay nolosha? Baro waxyaabaha aasaasiga ah ee nolosha iyo sidoo kale doodaha socda ee ku saabsan qeexidda nolosha. Maxay tahay tan lagu tilmaamayo nolosha? Sidee baan u sheegi karnaa in hal shey nool yahay mid kalena uusan ahayn? Dadka intooda badani waxay leeyihiin faham macquul ah oo ku saabsan waxa ay macnaheedu tahay in ay noolaadaan. Si kastaba ha ahaatee, waa wax aad u adag in la yimaado qeexitaan qeexan oo nolosha ah. Sababtan awgeed, qeexitaanno badan oo nolosha ah ayaa ah qeexitaanno shaqeynaya-waxay noo ogolaanayaan in aan kala saarno waxyaabaha nool iyo kuwa aan nooleyn, laakiin maaha inay dhab ahaan nolosha qeexaan. Si aan u kala soocno, waa in aan la imaanaa liiska astaamo ah, sida dabeecad aan caadi aheyn  oo lagu garan karo noolaha nool          Astaamaha Noolaha Biologists waxay aqoonsadeen sifooyinka kala duwan ee dhammaan noolaha nool ee aynu ognahay. Inkasta oo ay jiraan waxyaabo aan kuwa nooleyn muujin karaan s...

Vectors(Jihoolayal) iyo Scalars(jihalawayal)


Vectors ( jiholayal)   iyo  Scalars(jihalawayal)

Physics-ku wuxuu u kala baxaa labo qaybood oo muhiima si loo kala garto noocyadooda.
waxana loo aqaana Scalars iyo Vectors




Scalars ( Jihalaawayal)


Adaba waa kuwee jihalawayal(scalars)? waase maxay jihalayal?

jihalaawayashu(scalars) waxaa  si buuxda loogu sharixi karaa kuwa le cabbir ama qiyaas oo qudha.
Waxaa ka mid ah
mass(miisaan): waa culays-ka walaxi leedahay
time ( wakhtiga) : waxaa lagu cabiraa dhacdo dhacday ama jogta.
temperature (heerkulka): waa xadiga kulayl ama qabow ee shay leyahay.
Distance (Masaafad) : waa cabbirka labo meelood udhaxaysa.
Speed (Xawaare) : waa xawliga uu shay ku socdo.
energy( Tamarta) : waa awooda shaqo lagu qaban karo.
iyo qaar kale oo gadaal kaga soo dari doon sida area,pressure iyo waliba density iwm.
adaba dhamaan intan waa jihalaawayal (scalars)
oo micnuhu tahay dhamaantood waxay leeyihiin uun qiyaas ama cabir oo qura.
Tusaale;
hadii aan ku idhaahdo baabuur ayaa socdaalay 5km.
adiga aqoon uma lihid jihada uu u socdaalay balse qiyaas oo qudha ayaa lagu siiyay saa darteed waa jihalaawe.

Cashirkena xiga wuxu noqon doonaa Vectors (jihoolayaal) iyo waxay yihiin?

Fadlan ku xirnow bloggerkayga 
Lana wadaag asxaabtada 
wixii toosin iyo tusaale ah noogu soo dir qalinqorre@gmail.com
Jazakalahum








Comments