Waa maxay noloshu? Aas-aaska Biology-ga

Waa maxay nolosha? Baro waxyaabaha aasaasiga ah ee nolosha iyo sidoo kale doodaha socda ee ku saabsan qeexidda nolosha. Maxay tahay tan lagu tilmaamayo nolosha? Sidee baan u sheegi karnaa in hal shey nool yahay mid kalena uusan ahayn? Dadka intooda badani waxay leeyihiin faham macquul ah oo ku saabsan waxa ay macnaheedu tahay in ay noolaadaan. Si kastaba ha ahaatee, waa wax aad u adag in la yimaado qeexitaan qeexan oo nolosha ah. Sababtan awgeed, qeexitaanno badan oo nolosha ah ayaa ah qeexitaanno shaqeynaya-waxay noo ogolaanayaan in aan kala saarno waxyaabaha nool iyo kuwa aan nooleyn, laakiin maaha inay dhab ahaan nolosha qeexaan. Si aan u kala soocno, waa in aan la imaanaa liiska astaamo ah, sida dabeecad aan caadi aheyn  oo lagu garan karo noolaha nool          Astaamaha Noolaha Biologists waxay aqoonsadeen sifooyinka kala duwan ee dhammaan noolaha nool ee aynu ognahay. Inkasta oo ay jiraan waxyaabo aan kuwa nooleyn muujin karaan s...

TIME & WAKHTIGA

Waqtiga (time)


Waqtiga waa cabir kaasoo lagu cabiro dhacdo dhacday ama hada dhaceeyso ama dhici doonto, sidoo kale waxaa lagu cabiraa xiliga eey dhacdada socoto iyo inta u dhaxeeyso dhacdooyinka.Waqtiga
Waxa lagu cabiraa ilbiriqsiyada(second), daqiiqadaha(minute), saacadaha(hours), maalmaha (days) iyo sanadyads (year) iwm.



Example:

Ka soo qaad waxaad ka duushay dhulka oo waxaad aaday meere (planet) kale sanada 2020-ka. Sanad ka dib, markaad soo laabatay waxaad timid iyadoo jilkii sadexaad ubadki aad dhashay aay joogaan. Markaad weydiisay reerahaagii iyo dadki aad meesha ku ogeyd, waxaa laguu sheegay iney mar hore baa'ba'en oo qofka ugu dhaw uu yahay qof u tirsado ila sadex oday.WAxaad u sheegtay inaad sanad un ka maqan tahay. Waxaa lagu weydiiyay goortee kugu dambeysay? waxaad ku jawaabtay2020-ki. Nasiib darroiyagu waxey joogaan sanada2159. WAqtiga aad ka hadleyso waxaa ka soo weeragay 139 sano. Magaaladii aad taqiinay aad ayeey isku badashay, mana jiro qof aad ka garan karto ama xitaa xaafad aad garan karto.Hadaba su'ashu waxey tahay sidee arintaasi ku dhacday?Hagaag, Waqtigu waxaa uu ku xeran yahay dhaqaaq (motion) iyo awood (force). Hadii dhaqaaqaagu ama socodkaaga (motion) iyo jiidashada dhulka (Gravitional Force) uu badan yahay, waqtigaaga aad uma ordaayo. Hadii motion-ka iyo gravitional force-kaba aad dhaciif yihiin waqtiga wuxuu u ordayaa si aad ah, waxaa laga yaabaa in kun sano waqti aad tirsaneyso hal ilmiriqsi aay u dhiganto meelaha kale.In waqtigu ku xeran yahay dhaqaaq iyo awood waxaa sadaaliyay Einstein, hayeshe waxaa la tijaabiyay 1971-di. labo saacadood ayaa la is ag dhigay. Mid ka mid ah ayaa dhulka looga tagay halka tan kalena la saaray diyaarad isla markana lagu soo wareejiyay dunida ilaa in mudo ah. Saacadii ayaa la soo celiyay oo la ag dhigay saacadii hore ee dhulka looga tagay. Labadii saacadood ayaa kala duwanaaday qadar 1/1 000 000 nanosecond. sida muuqato labada saacadood waxaa u dhaxeeyo qadar aad u yar balse haba yaraatee muujinayo inuu kala duwanshiyo jiro. Sababta kala duwanshiyu aadka ugu yar yahay ayaa lagu sheegay, inkastoo saacadu socodku jirtay (motion) waxaan weli isku mid ahaa gravitional force-ka labada saacadood oo micnaheedu yahay isku si ayuu labada saacadoodba dhulka u jiidanayay. Hadii saacada la geyn lahaa meel jiidashadeeda dhulka uu aad u sareeyo farqigawuxuu ahaan lahaa mid la dhareemi karo.Mar walbo oo uu aad u badan yahay socodkaaga iyo gravitional force-ka waxaa aad u daciifo waqtiga. Wax walbo oo dhacay, dhici doono ama dhacayo ayaa la amisan yahay indhamaan aay hal mar dhaceen. Ma jiro wax tagay, ma jiro wax hada dhacaayo mana jiro wax hada ka dib dhici doona oo wax walbo waxey dhaceen ilmiriqsigiidunida la abuuray, xisaabta ayaasidaas saadaalineyso (Alle ayaa og). Sababta waqtigu u muuqdo mid horay un u socdo ayaa lagu sheegay iney maska aay sidaas u program-san tahay. Waxaa dhacdo walba laga soo qaadi karaa sida film la duubay oo dadka loo shiday si aay u daawadaan. In kastoo aay dhacdo walbo oo film-ka ku jirtoaay dhacday, dadka daawanayo ma fahmi karaan waxa daqiiqad walbo daqiiqada ka dambeyso kasoo muuqan doono film-ka. Maskaxda ayaa sidaasi oo kale daawato dhacdooyinka una kala saarto wax tagay, wax iman doono iyo wax hada taagan, inkastoo wax walbo aay hal mar wada dhaceen.Technoly-ada la gaari doono wey qorsheysan tahay. Waqtiga aad dhiman doonto ama beri waxaad cuni doonto wey qorsheysan tahay. In maskaxda laga dhaadhiciyo waxa waqtigu yahay aad ayeey u adag yahay. Su'aasha ah "waa maxay waqti " weli waxaa ka taagan dood badan waxaana lagu kala aragti duwan yahay meelaha qaar.



By Ustaad Ilyaas Alhadaf

Comments